4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Wasiir Caadle oo ka hadlay sababta keenta isku badbadalka xilalka mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan

 

Axad, November, 04, 2018 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle  ayaa markii ugu horeysay ka hadlay magacaabista tiro beelka ah iyo isku badbadlka xilalka maamulka gobolka Hiiraan oo ay wasaarradiisu sameyso.

Wasiirka ayaa eedda arintan dusha uga tuuray xildhibaannada ka soo jeeda gobolka Hiiraan ee ku jira baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo culeys ku haya sida uu hadalka u dhigay Wasiirradiisa isaga oo yiri'' waad ogtihiin gobolka Hiiraan waxaa ku dega Qabaa'ilaad faro badan oo kala duwan, Qabaa'ilkaas dhamaantood-na waxaa ka jooga xildhibaanno 99 ka xildhibaan ee Hirshabeelle intooda badan waxaa ay ka soo jeeda gobolka Hiiraan,  xildhibaan kasta beesha uu ka yimid wey ku dhagan tahay oo waxey ka rabtaa in xil loo magacaabo, Hiiraan-na sida aad ogtihii meel xilalkeedu badan yihiin ma'aha oo in yar oo kooban waaye, culeyska ugu badan halka uu ka imanayo waa bulshada oo culeys weyn ku haya xildhibaannada oo iyagu-na marka danbe wasaarrada culeys soo saara kuna qasbaya in ay tallaabadan qaado'' ayuu yiri Wasiir Caadle.

Wasiirka ayaa qiran in mar marka qaar mas'uul waajibkiisa shaqo gudanaya xilka looga qaado sabab la'aan, iyada oo lagu tix-galinayo sida uu hadalka u dhigay xildhibaannada oo ku qasba Wasaarrada in ay mas'uulkaa xilka ka qaado.

''Mar marka qaar waxaa dhacda in mas'uul waajibkiisii shaqo si wanaagsan u gudanaya oo aan xitaa helin xuquuqdii uu ku lahaa maamulka Hirshabeelle in haddana xilka laga qaado'' waayo haddii aan diidno rabitaanka xildhibaannada waxaa imanaya in halkaa wada shaqeyn xumo ka dhacdo'' ayuu yiri Wasiirka.

Maalmahii lasoo dhaafay waxaa Magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka  Hiiraan ka taagneed xiisad ka dhalatay xilka qaadis uu guddoomiyaha  Gobolka ku sameeyay Duqii degmada Baladweyne, inkastoo markii dambe  ay soo faragalisay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee  Maamulka Hirshabeelle oo soo magacaawday Duqa magaalo cusub.

Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa bilihii ugu danbeeyay su'aalo iska weydiinayay xilka qaadistan tiro beel ee maamulka Hirshabeelle uu ku sameynayo mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan, waxaana hadalka Wasiirku uu noqonayaa jawaabtii ugu horeeysay ka timaada dhinaca Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]