4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Taliyaaniga oo soo saaraya sharci xaddidaya soo galootiga

 

Axad, November, 04, 2018 (HOL) –Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Matteo Salvini, ayaa sharci ku aaddan xaddidda soo galootiga soo saaray dhawaantan.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa yaraaday dadkii soo galootiga ah ee imanayay dalka Talyaaniga, kadib markii dowladda dalkaasi ay ka hor istaagtay tiro doonyo ah oo sidey tahriibayaal doonayay inay dalkaasi soo galaan. Doonyahaasi qaarkoood ayaa waxa qaabilay dalalka Spain iyo Malta.

Sharcigan cusub ayaa soo galootigii hore u joogay Talyaaniga iyo midka cusub ee imanayaba si isku mid ah u saameynaya, Balse waxa la hakin karaa kaliya marka uu baarlamaanka dalkaasi uu diido, kaas oo heysta illaa iyo horraanta bisha Diseembar.

Taliyaaniga ayaa marin u sii ah muhaajiriinta ka taga inta badan dalal ay ka mid yihiin kuwa ku yaala Geeska Africa, kuwaa oo qasadkoodu yahay in ay uga sii talaabaan dhinaca kale ee dalalka Yurub, inkastoo ay jiraan tiro yar oo ku sii hakada dalkaasi Talyaaniga.

Dadka muhaajiriinta ah ayaa qatar weyn la kulma inta ay ku sii jiraan badda kuwaa oo marar badan ay soo badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaasi Talyaaniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]