4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2018
Madaxweynaha Puntland oo xeer ka soo saaray soo xulista golaha wakiiladda Puntland

Jimco, November, 30, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay beelaha Puntland inay soo xushaan xubnaha Golaha Wakiilada Metelaya, wuxuu xeerkan Madaxweyne Gaas ugu sheegay beelaha inay xubnaha u gudbiyaan guddiga xallinta khilaafaadka illaa 10ka December.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyaddu ay ku dhaceyso wakhtigeedii,waxa uu inta ku daray in wareegto gaar ah lagu soo saari doono magacaabiista guddiga ansixinta iyo xillinta khilaafadka.

Xulista Xildhibaannada ayaa ka socota deegaannada Puntland,iyadoo muddo kooban ay ka dhimantahay xilliga loo qorsheeyay inay ku dhacdo doorashada madaxweynaha.

Hoos ka akhri xeerka madaxweynaha Puntland


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]