4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2018
Guddoomiye Mursal ‘’ Waa arin qalad ah in ciidamo loo diro magaalada Baydhabo

 

Jimco, November, 30, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tallaabo qalad ku tilamaamay ciidamo dowladda federaalka ku dirtay magaalada Baydhabo isaga oo dhinaca kale sheegay in Mukhtaar Rooboow xaq u leeyahay ka qeybgalka doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Isaga oo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in magaalada Baydhabo joogaan ciidamo ku filan oo Amniga sugi kara, sidaa daraadeed aysan meesha oolin sabab ciidamo kale loogu dirro.

‘’Deegaanka wey joogaan ciidamo ku filan Amniga doorasahada sidaa daraadeed cidda dirtay ciidamadan kale ee dheeraadka iyo ujeedada laga leeyahay iyada ayaa lagala xisaabtamayaa’’ ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Waxaa uu meesha ka saaray in uu jiro musharax gaar ah oo ay dowladdu wadato oo ka qeybgalaya doorashada la filayo in ay dhacdo todobaadka danbe isaga oo yiri ‘’ma jiro musharax gaar ah oo ay dowladda federaalka wadato’’

Arrintan Mukhtaar Rooboow iyo cadaadiska uga imanaya dowladda federaalka mar uu soo hadal qaaday ayuu yiri guddoomiye Mursal ‘’ “Muqtaar Roobow waa muwaadin soomaaliyeed dowlada iyadaa heshiis la gashay iyadaa keentay Muqdisho xerada nabadsugida ayuu degenaa ogaal la’aan meeshaas kuma tegin, musharax ayuu  noqday shahaadana waa la siiyay xaq ayuu u leeyahay inuu u tartamo dowlada haddii ay ujeedo kale ka leedahay sanad ka badan muqdisho ayuu joogay.”

Sidoo kale waxaa uu meesha saaray in ay dhici karta saacadaha ugu danbeeya in dowladdu cadaadis ku saari doonto Rooboow in uusan ka qeybgali doorashada ayuu yiri’’ Dowlada xaq uma lahan hadduu Muqtaar soo gaaro xilligan inay faro geliyaan waa qalad.”ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo lagu wado in uu caasimada dalka uu dib ugu soo laabto berri oo Sabti ah.

Magaalada Baydhabo ayaa maanta la geeyay ciidamo Booliis ah oo si gaar ah u tababaran kuwaa oo la sheegay in ay ka qeybqaadanayaan sugida Amniga doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]