4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka : Ma rabo in aan ka hor dhaco sharciyada kala diristii Guddigga Maaliyada

 

Jimco, November, 30, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan dalka Turkiga ayaa markii ugu horeysey ka hadlay kala diristii guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa ka war-wareegtay su’aal aheyd sida uu u arko tallaabadii uu ku kala diray guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka, isaga oo ku gaabsaday in marka uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho uu arrimahan ka hadli doono.

‘’Hadda ma rabo in aan jawaab ka bixiyo arintan, Barri ayaan tagayaa magaalada Muqdisho waxaan eegi doonaa sida go’aankan loo qaatay Annaga oo mar walba waafajin doonna waxa uu ka qabo xeer hoosaadka’’ ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u muuqday shaqsi siweyn uga taxadirayay in jawaab cabirito aragtiddiisa iyo waxa uu ka qabo kala dirista guddiga.

Idaacada VOA –da oo Wareysiga ka qaaday ayaa guddoomiyaha weydiisay su’aal aheyd in sababta markii hore –ba xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari aheyd in xukuumaddu danaheeda ka fushato Golaha dhaxdiisa taasoo aheyd sababta adiga laguu keenay waxaa uu ku jawaabay’’ arintaasi waa waxba kama jiraan, maxaa yeelay dalku sharuuc iyo nidaam u adagsan ayuu leeyahay, ma jiro qof inta uu nidaamkaa iska baal-maro koox ama hay’ad gaar ah u fulin kara danaheeda ‘’

Guud ahaan marka la eego wareysiga guddoomiyaha ayaa u muuqda mid foojignaan dheeraad ah ay ka muuqatay, hasse ahaatee waxaa uu qiray in mar walba go’aanka la waafajin doono waxa uu ka qabo xeer hoosaadka.

‘’Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka isaga ayaa hadda meesha jooga oo codka guddoomiyaha ku hadli kara, midna in la ogaado ayaa fiican guddigu sidii uu markii hore-ba ku yimid ayuu ku baxayaa, waxaana la waafajin doonaa xeer hoosaadka ayuu hadalkiisa sii raaciyay’’ mar uu ka jawaabay su’aal aheyd in xildhibaannada qaar aamisan yihiin in guddoomiyuhu waxba ka badali karin go’aan uu gaaray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono guddoomiyaha Golaha Shacabka marka uu dalka dib ugu soo laabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]