Jimco, November, 30, 2018 (HOL) –
Iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya maanta magaalada Baydhabo u dirtay ciidamo Booliis
ah ayaa waxaa arintaa siweyn uga soo horjeestay kuna tilmaamay in ay fara-galin
tahay xildhibaanno ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur
(Aadan Madoobe) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka lagana soo doorto
Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay tallaabadan ay dowladdu
qaaday.
Wuxuu sheegay in xildhibaanka in
dowladdu waligeed xitaa Labo askari ku taageerin maamulka Koonfur Galbeed
dagaallada uu kula jiro sida uu hadalka u dhigay kooxaha Cadawga, laakiin wax
lala yaabo tahay in ciidamo hubeysan la keeno magaalada xili loo diyaar garoobo
doorasho hannaan nabdoon ku socta.
Aadan Madoobe ayaa intaa ku daray
in aysan aqbali doonin in wax aysan raali ka aheyn shacabka Koonfur Galbeed
lagu qasbo, isaga oo uga digay dowladda in ay burbur u horseedo bulshada.
Doorashada 05 bisha la filayo in
ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku loolami doono inta la ogyahay
ilaa saddex musharax oo kale ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur, Cabdicasiis
Lafta –Gareen iyo Xusseen Cismaan Xusseen, iyadoo musharixiintii kale dhawaan
ku dhawaaqeen in ay u tanaasuleen Mukhtaar Rooboow kuna taageeri doonaan
doorashada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]