4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2018
Ciidamada Booliiska gaarka ah oo ka degay magaalada Baydhabo

 

Jimco, November, 30, 2018 (HOL) -Diyaarad siday ciidamada Booliiska sida gaar ah u tababaray ayaa goor dhow ka degtay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo ciidamadan ay dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradan ayaa siday ku dhowaad boqol askari, oo ah ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tababaran.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay ciidamada la dajiyay xarumo gaar ah oo ku dhaw xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo.

Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka ayaa dhowaan war ka soo saartay xaalada amniga Baydhabo, iyadoo shaacisay inay jiraan shaqsiyaad ku howlan fal dambiyeedyo ka dhan ah xasilloonida iyo degenaanshaha.

Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 05 bisha December oo ay inaga xigaan maalmo kooban, waana doorasho siweyn isha loogu wada hayo islamarkaana xiiso gaar ah leh marka la eego dhinacyada siyaasada ee halkaa ku loolamaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]