Jimco, November, 30, 2018 (HOL) – Waxaa
Magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari dalka Kenya ka soconeysa qabanqaabadii ugu
dambeysan ee ku aaddan bandhigga Toddobaadka dhaqanka Soomaalida oo halkaasi ka
dhici doona dhawaan.
Bandhig dhaqameedkan ayaa lagu marti qaaday
dhammaan Bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga ee degta Gobolka Geeska Africa, si
ay halkaasi ugu debaal degaan isla markaana ugu muujiyaan hiddaha iyo dhaqanka
Dadka Soomaaliyeed.
Madaxa Maamulka Waxbarashada iyo Dhaqanka
Mandheera, Izzidun Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay inay qaban qaabadu marayso
meel wanaagsan, isagoo intaa raaciyay inay sameeyeen qorshayaal ay ugu tala
galeen inay munaasabaddu ku dhacdo jewi wanaagsan.
Mr; Cabdi ayaa sidoo kale sheegay inuu
Bandhiggani u furan yahay dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku hadasha
Afka Soomaaliga si ay wax ugu bartaan dhaqankooda, Dalxiisayaasha iyo martida
kaleba.
Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Roba,
ayaa sheegay inay Mandheera kusoo dhoweynayaan dhammaan Bulshada Soomaaliyeed
ee ku nool Gobolka Geeska Afrika.
“Waxaan ku casuunnay Qof walba oo Soomaali ah, si
uu u barto barto dhaqankeenna , taasina waxa ay xasuusin doontaa jiilalka cusub
dhacdooyinkii Qarniyo hore, taas oo muhiim u ah ilaalinta hiddaha iyo
dhaqankeenna ,” ayuu yiri Guddoomiyhu.
Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigi doonaa,
Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed, Sugaan kala duwan iyo Ciyaaraha hiddaha iyo
dhaqanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]