4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2018
Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda gobolka Shabeellaha Hoose

 

Jimco, November, 30, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa uu ka soconayo howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Maxamed Ibraahim Barre.

Howlgalka oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa midowga Africa ayaa ka socda deegaanka lagu magacaabo Gandarshe ilaa laga gaaro Jilib-Marka halkaa oo ay ku xoogan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgal ka wada waddada laamiga ah iyo jidadka isku xira No 50 iyo No 60 ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu guddoomiyuhu intaa ku daray in deegaannada qaar laga sifiyeeyay Al-shabaab.

Guddoomiyaha oo faah faahin ka bixinayay sida ay markii horeba ugu suurtagasha Al-shabaab in ay isku ballaarinayaan deegaanno intaa la eg ayuu yiri’’ Markii laga saaray magaalada Marka iyo deegaannada xeebta ah ayeey bilaabeen in ay halkaa ku dhuumaaleystaan, laakiin hadda qorshuhu waxaa uu yahay in laga sifeeyo’’ ayuu yiri guddoomiye Barre.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid deegaannada ku xoogan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab oo weerarro ba’an ku qaadan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]