4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Khilaaf u dhaxeeya Wasiirka Maaliyada iyo Xisaabiyaha Guud ee dowladda oo soo ifbaxay

 

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) – Waxaa soo ifbaxay khilaaf aan horay-ba loo sii ogeyn oo soo kala dhax-galay Wasiirka Wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo xisaabiyaha guud ee dowladda marwo Fartuun Cismaan Faarax oo eedeyn kulul u jeedisay Wasiirka.

Qoraal ay soo saartay xisaabiyaha ayeey ku eedeysay Wasiirka faragalin uu ku hayo xafiiskeeda shaqo, iyo wax ay ugu yeertay marin habaabin lagu daboolayo sida ay hadalka u dhigtay qas iyo xadgudub maamul maaliyadeed oo ka dhax socda xafiiska Wasiirka.

Qoraalkeeda ayeey ku sheegtay in Wasiirku u baahan yahay in uu xasuusnaado in labada xafiis yihiin kuwo kala madax-banaan islamarkaana shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda aysan ka tirsaneyn Wasaarrada Maaliyada.

Qoraalka ayaa u dhignaa sida :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]