4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Ciidanka Booliska Somaliland oo u dabaaldegay sanad guuradii ka soo wareegtay aasaaskooda


Sabti, November, 03, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ka qaybgallay xuska loo sameeyey sanad-guurada 25-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska oo sanad walba maanta oo kale loo dabaaldego.

Munaasibadda xuska 25-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Somaliland oo lagu qabtay xarunta guud ee ciidanka Boolisku ku leeyahay Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka Booliska, saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada kala duwan ee ciidanka Booliska, diblomaasiyiin ka socday dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca tabobarrada ciidamada Booliska, qaar kamid ah golaha wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Kala duwan ee dalka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, madax katirsan axsaabta qaranka, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Taliyaha hawlgalinta ayaaa sharaxay dhacdooyinkii waaweynaa ee sanadkan ka dhacay dalka ee boolisku diwaangaliyey, waxaanu sheegay in 19,664 danbi uu ka dhacay guud ahaan Somaliland sannadkan 2018, kuwaasi 61 kamid ah ay yihiin Dil, halka 101 kamid ah dambiyadaasi yihiin Kufsiyo.

Falalka dilalka ayaa loo qabtay 55 eedaysane halka la raadinayo 5 qof oo kale, sidoo kale falalka kufsiga ayaa loo qabtay 87 eedaysane.

Falalka kufsiyada ayaa hoos u dhacay marka la barbar-dhigo sannadkii hore iyadoo ay sannadkii hore dhaceen 148 kufsi sida ay boolisku sheegeen.

Dhinaca kale, boolisku waxay sheegeen in sannadkan ay Somaliland ka dhaceen 3,457 shil ,kuwaasi oo ay ku dhinteen 161 qof waxaana ku dhaawacmay 2,255 qof.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa u hambalyeeyey ciidanka Booliska Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidanku u tafo-xaydan yihiin daminta shaqaaqo kasta oo ammaanka dalka ka dhan ah, waxana uu madaxweynaha ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee uu madaxweynuhu ugu hagar-baxay dhammaanba baahiyaha kala duwan ee ciidanka Booliska.

“Ciidanka Boolisku waxa ay maanta awood u leeyihiin inay baadhis ku sameeyaan qalabka Electaroonigga, sida moobillada, laabtoobyada iyo guud ahaanba qalabka kale, waxa kale oo ay horumar ka gaadheen qaadista faraha, taas oo keentay inaanay lumi Karin cid kasta oo dambi caadaysatay, waxa kale oo ciidanka Booliska kusoo kordhay Laab casri ah oo lagu baadho raadadka dambiyada” ayuu yidhi taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ciidanka ku hambalyeeyey horumarka ay ku tallaabsadeen, isaga oo caddeeyey inuu horumarkaasi gaadhay heer bulshada caalamku ka markhaati kacdo nabadda iyo deggenaanshaha dalka ka jira, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidankeenna Boolisku maanta waxa uu marayaa meel uu dalku ku faano, ummadduna ay ku jeclaato oo uu nabadgelyadii qarankiisa hubiyey, caalamkuna ku majiirto inay Somaliland meel deggen tahay oo ciidan Boolis iyo kala-dambayni ay jirto.”

“Dadweynaha waxa aynnu ka doonaynaa inay Boolis wada noqdaan oo Booliska la shaqeeyaan, taasna waxa aynnu ku hanan karnaa innaga oo dadka iyo Booliskaba wacyigelin xoog ah siinno, qofka Booliska ahina sharciga ayuu metelayaaye, waa inuu dadka baraa inay sharciga jeclaadaan, dadweynuhuna waa inay hiil iyo hooba la garab istaagaan.”ayuu yidhi Biixi

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.