4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Wakiilka QM oo madaxweynaha Puntland kala hadlay colaadda Tukaraq iyo xiriirka dowladda federaalka

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Nicholas Haysom oo ay waheliyaan saraakiil kale ayaa Sabtida maanta ah soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wafdiga waxaa Garoowe ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan Puntland,waxaana markii loo gudbiyay xarunta madaxtooyada kulan gaar ah ku qaatay madaxweynaha Puntland iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya,Nicholas Haysom .

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray colaadda deegaanka Tukaraq oo tan iyo bishii Jannaayo ay isku hor-fadhiyeen ciidammo ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland,inta waxaa dheer oo kulanka lagu soo qaaday xiriirkii wadatashaqeynta dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada sidii dib loogu hagaajin lahaa,kaas oo hakad galay bishii September.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Nicholas Haysom  ayaa sidoo kale la wadaagay madaxweynaha Puntland  baahida loo qabo in doorashada guud ee Puntland ka dhacaysa bisha  Jannaayo ee sanadka 2019-ka inay u dhacdo si xor ,xalaal iyo nabad ah.

Booqashada uu wakiilka Qaramada Midoobay ku soo gaaray Garoowe ayaa qayb ka ah kulamo uu xarumaha dowlad-gobolleedyada kula qaadanayay hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada dalka,si xal loogu helo khilaafka halkii ugu sarreeyay gaaray ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]