4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Ciidammo gadooday oo la wareegay garoonka diyaaradaha Garoowe

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Ciidammo gadooday oo ka tirsan kuwa sida milatariga loo tabbabaro ee Daraawiishta ayaa maanta la wareegay garoonka diyaaradaha Jen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe,sida laga soo xigtay ilo ku dhow garoonka diyaaradaha.

Sarkaal ka tirsan ciidanka gadooday ayaa u sheegay HOL gadoodkooda inuu la xiriir mushaar la'aan iyo xuquuqdii ay dowladda ku lahaayeen oo aan muddo la siin, waxa uu inta ku daray ciidanka ku sugan garoonka diyaaradaha Jen Maxamed inay ka yimaadeen jiidda hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo tan iyo bishii koowaad ee Jannaayo ay isku horfadhiyeen ciidammada Puntland iyo Soomaaliland.

Ciidanka gadooday, waxaa hoggaaminaya sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Sumeysane , sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

Ilaa hadda ma jiro war ka soo baxay wasaaradda amniga Puntland iyo hay'adaha kale oo looga hadlay ciidanka gadooday ee mushaar ka maqan ka cabanaya.

Xilliga ay ciidanka gadooday la wareegeen garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaa fadhiyay dhowr diyaaradood oo ay ka mid tahay diyaar ay leedahay Qaramada Midoobay oo maanta Garoowe keentay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Ciidanka amniga Puntland ayaa inta badan gadood kula wareega goobo muhiim ah ,iyadoo bishii hore sidan oo kale ciidammo gadooday ay la wareegeen waddada madaxtooyada iyo wasaaradaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]