4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Ra'iisal wasaare Kheyre oo lagu wado in uu hortago golaha Aqalka Sare

 

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa kulan ay maanta ku leeyihiin magaalada Muqdisho waxaa ay uga arinsan doonaan qodobo dhowr ah oo uu ka mid yahay mudeynta waqiga uu ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya hortagayo golaha

Kulanka ayaa ugu horeyn lagu wadaa in warbixin looga dhageysto Guddoomiyaha  Aqalka sare oo dhowaan la kulmay Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga  Afrika iyo xubno ka tirsan Hey’adaha Caalamiga.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu iclaamin doonaa muddeynta kulan xog wareysi ah oo Aqalka sare la qaadanayo Ra’iisul Wasaaraha.

Senatorada Aqalka Sare oo matala Maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay su’aalo ka weydiiyaan Ra’iisul Wasaaraha arrimaha khilaafka dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Kulamada Guddiga Joogtada Aqalka sare ayaa lagu go’aamiyaa ajandayaasha iyo shirarka ay yeelanayaan Aqalka Sare, waxaana inta badan laga soo saaraa war murtiyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]