4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Antonio Guterres : Waa in la joojiyaan colaada Yemen

 

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa waxa uu ku baaqay in la soo afjaro qulqulatooyinka ka soconaya dalka Yemen, iyo weliba in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada ka soconaya agagaarka goobaha muhiimka ah iyo weliba meelaha ay dadka badan ku nool yihiin.

Mr. Guterres ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku diriraya dalka Yemen inay si niyad wanaag ah oo aanay shuruudi ku xirnayn u bilaabaan wadahadal.

Waxa uu sheegay in xaaladda bini’aadminimo ee dalkaasi ay aheyd mid quus ah ayna suuragal tahay inay isu bedesho macluushii ugu xumeyd ee la rko muddo tobannaan sano ah hadaanan si deg deg ah wax looga qaban.

Carruurta Yemen ayaa gaajo iyo cuduro u dhimanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in kala bar dadka dalkaasi ku nool ay halis soo wajahayso bilooyinka soo socda.

Mr. Guterres waxa uu sheegay inay soconayaan dadaalo nabbad dalkaasi loogu soo dabaalayo.

Maalmo un ka hor ayey aheyd markii Mareykanka iyo Britain ay ku baaqeen xabad joojiin in ay ka dhaqan gasho dalkaasi, isla dalalkaas ayaa aad loogu dhaleeceeyay dowrkii ay ku lahayeen colaadda Yemen maadama ay yihiin dalalka ugu weyn ee saanadda milateri ka gada Sacuudi Carabiya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Guterres ayaa sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Yemen ay qeexeen inay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan wadahadalada nabbada.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa qorsheynaya in waddahadalada nabbada ay dib u furmaan dabayaaqada bishan.

Dalka Yemen ayaa waxaa halakeeyey dagaal sokeeya laga soo billaabo 2015-ka, iyada oo ay Xuutiyiinta sheeganayaan iney gacanta ku hayaan galbeedka Yemen madxweynaha waddanka Abdrabbuh Mansour Haadi ay ku qasbeen inuu waddanka ka cararo.

Waddama ay ka mid yihiin Iiraan, Imaaraadka carabta, Sacuudi Carabiya iyo toddoba waddan oo carab ah ayaa soo farageliyey xiisadda Yemen ka taagan si ay u badbaadiyaan dowladda Yemen ka dhisneyd. Iyaga oo taagero dhinaca sirdoonka iyo tasjiilaadka ka helaya Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska.

Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay dagaallada in lagu dilay ugu yaraan 6,600 oo qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 10,560. Iyada oo kumannaan kalana ay u dhinteen macluul, gaajo iyo cudurro ka dhashay adeegga caafimaadka ee dalka Yemen oo aad u liita amaba gebi ahaanba jirin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]