Madaxweynaha Turkiga oo toos dilkii Jamaal Khaashuqi ugu eedeeyay madaxda sare ee Boqortooyada Sacuudiga
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Madaxweynaha
Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horraysay waxaa uu Boqortooyada Sucuudiga
si toos ah ugu eedeeyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji.
Erdogan ayaa yiri "Waxaannu ognahay in amarka lagu dilay Khaashuqji
inuu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga," waxa uu ku
qoray maqaal ku soo baxay wargeyska the Washington Post.
Balse isaga oo xeerinaya xiriirka saaxiibtinimo ee Turkiga kala dhaxeeya
Sucuudi Carabiya ayaa waxa uu intaasi ku daray in uusan rumaysnayn in Boqor
Salmaan uu arrintaasi ku lug lahaa.
Khaashuqji ayaa waxaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda
Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul.
Wali meydkiisa meelna laguma sheego, iyadoo Yasin
Aktay oo lataliye u ah Madaxweyne Erdogan uu sheegay in uu rumaysan yahay in
maydka ninkaasi lagu baabi'iyay aashito kaddib markii jirkiisa la jarjaray.
Dilka oo markii hore ay qariyeen mas'uuliyiinta
Sucuudiga ayaa waxa uu dhaliyay dhibaato dhanka diblumaasiyadda ah oo ka dhex
aloosantay Sucuudi Carabiya iyo xulafadeeda.
Dowladda Sucuudiga ayaa markaasi kaddib waxa ay
xirtay 18 qof oo laga shakisan yahay kuwaas oo lagu maxkamadayn doono gudaha
dalka Sucuudi Carabiya.
"Waannu ognahay in dadka ka dambeeyay dilka
ay ka tirsan yihiin 18-ka qof ee laga shakisan yahay ee lagu hayo gudaha dalka
Sucuudi Carabiya," ayuu ku qoray wargeyska the Washington Post, halkaas oo
ah warbaahintii uu Khaashuqji wax ku qori jiray.
"Waxaannu kaloo ognahay in shakhsiyaadkaas
ay Turkiga u yimaadeen inay fuliyaan amarro la soo siiyay: oo ah inay dilaan
Khaashuqji kaddibna ay iska tagaan. Ugu dambayntii, waxaannu ognahay in amarka
dilka Khaashuqji uu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda
Sucuudiga."
Isagoo qoray in dilka weriyaha aanay ka qeyb qaadan askar oo kaliya ah ee ay
jiraan dad kale oo badan ayuu Madaxweyne Erdogan waxa uu ku baaqay in
"dadkii ka dambeeyay dilkii Khaashuqji" bannaanka la soo dhigo.
"Waa in aanay dhicin in markale cid ay ku soo dhiirato in fal noocaas
oo kale ah ay ku dhex fuliso dhulka xulafada Nato," ayuu yiri.
"Haddii cid un ay digniintaas iska dhegatirto, waxa ay wajihi doontaa
cawaaqib xumo baahsan."
Waxa uu ka cowday in aanan wax tallaaba ah laga qaadin qunsulka guud ee
Sucuudiga, kaas oo Turkiga isaga tagay, waxa uuna dacwad oogaha guud ee
Sucuudiga ku eedeeyay in uu ku guuldarraystay inuu la shaqeeyo dambi baarayaasha
"isagoon weliba ka jawaabin su'aalo iska fudud".
Caalamka ayaa wali cadaadis baahsan ku hayay
Boqortooyada Sacuudiga oo lagu eedeynayo in ay si bareer ah u dishay Khashoggi oo ahaa wariye caan ah oo
dhaliila Boqortooyada Sacuudiga.
Xigasho BBC