4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2018
Madaxweynaha Puntland oo Dhahar ka dhagaxdhigay mashaariic horumarineed

Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqashadii ugu horreeysay ku tagay magaalada Dhahar ayaa maanta dhagaxdhigay dhowr mashruuc oo deegaanka lagu horumarinayo.

Ugu horrayn, madaxweynaha Puntland ayaa dhagaxdhigay 100 guri oo loo dhisayo dadka barakacayaasha ah ee xooluhu kaga dhamaadeen abaaraha iyo shacab kasoo jeeda Puntland oo kasoo barakacay dagaalladii qowmiyadaha ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxa uu dhagax dhigay Cabdiweli Gaas,mashruuca waddada laamiga ah ee isku xiri doonta magaalada Sheerbi iyo  Xiingalool ayaa qaybta koowaad oo ah Sheerbi ilaa  Dhaahar oo ay ku bixi doonto lacag dhan saddex milyan oo doollar, lacagta oo la sheegay inay bixin doonta wasaaradda arrimaha gudaha iyo horumarinta reer miyiga ee Puntland.

."Waan boggaadinayaa dhagax dhiga mashaariicdan wasaarada Arrimaha Gudaha bilad ayaan siinaynaa maanta sababtu waxaa weeye 100 guri iyo qaybtii 1-aad ee wadada oo ah Sheerbi ilaa Dhahar ay saddex milyan oo doollar ku bixinayaan kaga qayb qaadanayso inta kale ee dhimana oo ah ilaa Xiingaloolna anaga ayaa dhamaystirayna". ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Dhinaca kale,Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan oo goobta dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay mashaaricahan horumarineed ee Puntland ka hirgelisey gobollada Sanaag iyo Haylaan inay yihiin waa cusub oo ubaryey goboladaas, isla'markaana maamulladii hore ee Puntland soo maray aysanba weligood dhulkaan caga soo dhigin.

Gabagabadii, madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hoggaaminayay ee ku sugnaa magaalada Dhahar ayaa soo gabagabeeyay socdaalka, waxaana ay galinkii dambe ee maanta ay dib ugu laabteen magaalada Garoowe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]