4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2018
Dowladda oo soo bandhigtay Nuqul ka mid ah Dastuurka oo Carabi lagu tarjumay

 

Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qabatay munaasabad lagu soo bandhigayay nuqul ka mid ah Dastuurka KMG oo loo turjumay afka Carabiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ka hadlay howlihii u soo qabsoomay ee la xiriirtay carabiyaynta Dastuurka KMG ah, isagoo ka qeybgalayaasha u soo bandhigay nuqul ka mid ah Dastuurka KMG ah oo loo turjumay Afka Carabiga.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Xamud Bin Samraan oo goobjoog ka ahaa bandhigga Nuqulka Dastuurka ee afka Carabiga loo turjumay ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin caawinaam joogta ah, gaar ahaan inay door muuqda ka qaadan doonaan hawlaha dhameystirka Dastuurka KMG.

“Waxa aan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ku ammaanayaa hawsha baaxadda leh ee ay dadka Soomaaliyeed u heyso, waxaan u mahadcelinayaa guddiga Soomaaliyeed ee muddo afar bil ah ka shaqeeyay in Dastuurka KMG ah loo turjumo Afka Carabiga. Waxa aan idinku taageereynaa howsha adag ee dadka Soomaaliyeed aad u heysaan ee ah dhameeystirka Dastuurka KMG ah” ayuu yiri Safiir Xamud.

Wasiir KuXigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa Safiirka Jaamacadda Carabta uga mahadceliyay doorka uu ka qaatay carabiyaynta Dastuurka.

“Marka hore waxaan ka mahadnaqeynaa dedaalka iyo waqtigii uu Safiirka Jaamacadda Carabta geliyay barnaamijka carabiyaynta Dastuurka; waa howl muhiim ah oo dhaxal u ah dadka Soomaaliyeed. Luqadda labaad ee dalka waa afka-carabiga sida uu Dastuurka uu qorayo, waxaanu ka shaqeyneynaa in Dastuurka uu noqdo mid Afka-carabiga muhiimad siiya” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa Safiirka ka gudoomay nuqul ka mid ah Dastuurka KMG ah oo ku qornaa Afka-Carabiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]