3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2018
Maamulada Muqdisho iyo Nairobi oo yeelanaya iskaashi labada dhinac ah

 

Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Guddoomiyaha magaalada Nairobi Mike Sonko, iyagoo ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixinno dhinacyo badan taabanaya ka siiyey dhiggiisa magaalada Nairobi isbadellada dhinacyada horumarka ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray iyo sida ay muhiimka u tahay in labada dhinac ay sameystaan iskaashi ku qotoma danaha labada caasimadood.

Eng. Yarisow ayaa xusay in magaalada Muqdisho oo ahayd mid kamid ah Caasimadaha ugu bilicda san Afrika ay xiligan ku jirto dib-u-soo kabasho, lagu soo celinayo kaalintii ay caalamka ku lahayd, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in Caasimadaha kale ee dalalka dariska ah ay uga daydaan horumarrada kala duwan.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey bushada Kenya sida walaaltinimada ah ee ay u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in magaalada Nairobi ay door muhiim ah ka qaadatay dib-u-soo-celinta Dawladnimada Soomaaliya, iyadoo lagu qabtay shirar door ah oo dib loogu unkayo Dawlad Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa bogaadiyey qorsheyaasha dib-u-soo-kabashada iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo xustay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan soo celinta bilicdii ay Muqdisho caanka ku ahayd

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/29/2018 1:31 PM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulankii maanta ee golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in kahor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka sannadka 2018-ka.

11/29/2018 1:22 PM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqashadii ugu horreeysay ku tagay magaalada Dhahar ayaa maanta dhagaxdhigay dhowr mashruuc oo deegaanka lagu horumarinayo.

11/29/2018 12:55 PM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) – Ciidanka amniga Galmudug ayaa maanta soo bandhigay dhisme ay sheegeen inay degganayeen raggii fuliyay weerar Isniintii toddobaadkan lagu qaaday xarun uu Koonfur magaalada Gaalkacyo ka degganaa Waddaad lagu magacaabo Cabdiwali Cali Calmi Yare.

11/29/2018 12:33 PM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Ukrain Petro Poroshenko ayaa weydiistay Isbaheysiga NATO in ay u soo diraan maraakiib dagaal si ay uga caawiyaan dalkiisa ammaanka badda Azov.

11/29/2018 11:23 AM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) – Arrintan ayaa dood wey ka dhax abuurtay saacadihii aynu soo dhaafnay xildhibaanada Baarlamaanka dhax-dooda, iyaga oo ku kala qeybsan cidda awood sharci u leh in ay kala dirto guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada Golaha Shacabka.

11/29/2018 10:45 AM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qabatay munaasabad lagu soo bandhigayay nuqul ka mid ah Dastuurka KMG oo loo turjumay afka Carabiga.

11/29/2018 6:16 AM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL)-Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI iyo UCID ayaa xukuumada ku eedeeyey inay sabab u ahayd inay dib u dhacdo doorashadan goleyaasha wakiiilada iyo deegaanka.

11/29/2018 5:30 AM EST
Khamiis, November, 29, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu faah faahiyay weeraro dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya,maalmihii la soo dhaafay.

11/29/2018 3:28 AM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL)-Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay dib xoriyadoodii u siiyeen Labo ruux oo xoolo dhaqato ahaa oo ay horey uga soo afduubteen gobolka Waqooyi Bari Kenya.

11/29/2018 3:16 AM EST
Khamiis, November, 29, 2018(HOL)- War lagu daabacay Bogga Twitter -ka ee hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah raggii ka danbeeyay weerarkii 9kii bishii September lagu qaaday hotelka Saxafi.

11/29/2018 12:37 AM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL)-Dhakhtar ka hawlgala Cisbitaal ku yaalla gobolka Gujarat ee galbeedka dalka Hindiya ayaa la xiray ka dib markii isaga oo khamraysan uu qaliin ku sameeyay haweenay xaamilo ah, sida ay booliisku u sheegeen BBC.

11/29/2018 12:22 AM EST
Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Puntland CabdiXakiin Xaaji Camey ayaa sheegay in waqtigggii Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada uu sii dhamaanayo, isaga oo intaa ku daray in is-badal weyn uu ka jiro maamul gobolleedyada qaarkood oo doorasho isku diyaarinaya.