4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2018
Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo dib u dhaca doorashooyinkii la filayey ku eedeeyey Madaxweyne Biixi

 

Khamiis, November, 29, 2018 (HOL)-Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI iyo UCID ayaa xukuumada ku eedeeyey inay sabab u ahayd inay dib u dhacdo doorashadan goleyaasha wakiiilada iyo deegaanka.

“Qabashada doorashada waxay saaran tahay xukuumadda wayna ka gaabisay, sideed bilood ka hor ayaanu u gudbinay cabashadayada iyo in aanay gudidan doorashooyinku qaban Karin doorashada”ayuu yidhi gudoomiyaha ku meel gaadha ah ee xisbiga WADANI C/qaadir Jirde.

Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen xukuumadda in khilaafka iyo is marin waaga sababay inay doorashaddu qabsoomi waydo ay masuul ka yihiin xukuumadda madaxweyne Biixi, isla markaana iska indhotiray xal u helida khilaafkaasi.

“madaxweynuhu xaq umalaha inuu yidhaahdo komishanka kala diro maayo, madaxweynuhu wuxu ku go’aan qaadanayaa sida uu xeerka 20aad farayo guddidaasi uu u saaray ee heer qaran ah waxay soo jeediso ayuu ku go’aan qaadanayaa, guddidan doorashooyinka wakhtigiisii wuu dhamaaday hadii uu joogaana anaga doorasho noo qaban maayo, waana in xeerkii 20aad wax laga bedelo oo guddida doorashooyinka loo sinaado oo saddexda xisbi min saddex qof soo xushaan”ayuu hadalkiisa raaciyey

Dhinaca kale, xisbiga UCID ayaa sheegay in hadii la sameeyo muddo kordhin aan heshiish loo ahayn ay ku baaqi doonaan mudahaadyo aan joogsi lahayn, waxa kale oo uu soo jeediyey in xukuumada iyo xisbiyaduba u dhego nuglaadaan saddexdii madaxweyne ku xigeen soo maray oo ku gudda jira sidii xal loo heli lahaa khilaafka dib u dhaca doorashaddan ku dhacday oo ay wadaan.

“haddii muddo kordhin aan heshiish lagu ahayn loo sameeyo goleyaasha Wakiilada iyo golaha deegaanka waxaanu abaabuli doonaa mudaharaadyo salmi ah oo joogta ah oo lagu diidan yahay inay sii shaqeeyaan goleyaasha muddo dhaafay, waxaana u damaanad qaaday dastuurka Somaliland inay muujiyaan awoodoodda”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cabdnaasir Buunni.

Labada xisbi mucaarad ayaa si weyn uga qayliyey dib u dhaca ku yimid doorashadan la filayey inay dhacdo march 29,2019.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.