4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2018
Mareykanka oo faah faahiyay duqeymo cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya

 

Khamiis, November, 29, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu faah faahiyay weeraro dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya,maalmihii la soo dhaafay,iyagoo ku bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayeen maleeshiyada Alshabaab. 

Taliska Africom ayaa sheegay in ilaa 6 weerar ay ka fuliyeen deegaano  ka tirsan gobolka Mudug Bishan aynu ku jirno ee  November,duqeymahaasi oo lagu dilay ilaa  55 ka tirsan sakiisha iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Weerarkii ugu dambeyeey ayaa talisku sheegay in lagu dilay ilaa 3  xubnood oo ka tirsan Alshabaab, waxaana uu intaa ku daray talisku in ay sii xoojinayaan weerarrada noocan oo kale ah.

Waxaa sido kale qoraalkaasi lagu sheegay in ciidamadu ay fuliyeen weeraradasi iyagoo ka feejigan in aan wax dhibaato ah soo gaarin shacabka,taasina lagu guuleystay.

Mareykanka ayaa sheegay in ilaa 36 weerar uu ka fuliyay Soomaaliya sanadkan 2018 gudihiisa,kuwaasi oo ujeedku ahaa burburinta iyo beegsiga xarumaha iyo maleeshiyada ALshabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]