4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2018
Al-shabaab oo sii deysay dad ay ka soo afduubeen dalka Kenya

 

Khamiis, November, 29, 2018 (HOL)-Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay dib xoriyadoodii u siiyeen Labo ruux oo xoolo dhaqato ahaa oo ay horey uga soo afduubteen gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sii deynta dadka xoola dhaqatada ah ayaa yimid kaddib markii sida la sheegay uu wada hadal dhaxmaray Al-shabaab iyo ehelada ay ka soo jeedeen labada ruux ee la sii daayay.

Afduubkooda ayaa markii horeba yimid kaddib markii ay ka dhaga adeygeen bixinta lacago ay ka rabeen Al-shabaab oo inta badan ka qaada dadka xoola dhaqatada ah lacag lagu sheegay in ay tahay Zeko.

Al-shabaab ayaa gobolka Waqooyi Bari Kenya ka geysta Qaraxyo, Weerarro iyo Afduub ay kula kacaan dadka ka hor yimaada awaamiirtooda iyo kuwa ay uga shakiyaan in ay la shaqeeyaan hay'addaha Amaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]