4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Dowladda Koonfurta Suudaan oo ballan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-   Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dalka Koonfurta Suudaan,Salvatore Garang  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas,Danjire Xuseen Xaaji Axmed ,iyagoo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah sida xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Kulanka waxaa kalo goobjoog u ahaa Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba iyo la taliyaha ganacsiga ee safaarada, waxaana inta uu socday sidoo kale lagu gorfeeyay sidii lacagaha qalaad loogu fududeyn lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku ganacsata iyo dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta isticmaalka bangiyada dalkaas oo waqti soo jiitameysay.

Danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa Wasiirka ka dalbaday in loo fududeeyo ganacsatada adeegyada ay u baahan yihiin ee la xiriira ganacsigooda, isla markaana dowladdu xaliso culeysyada ay la kulmaan, waxaana guddiga ganacsatada  ay gudbiyeen dhankooda cabashada waxaana Wasiirku Maaliyadda ballan qaaday in si dhaqso ah ay dowladdu uga jawaabeyso cadsiga kaga yimid safiirka iyo Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed.

Danjiraha  Soomaaliya u fadhiya Koonfurta Suudaan ayaa horay kulan uu xal ugu raadinayo arrimahaan, waxaa uu la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas, Wasiirka Arrimaha dibadda, Ganacsiga, arrimaha gudaha iyo kuwa kale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]