4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Uhuru Kenyatta: Idinkuna Jaadka naga qaata annaguna Kalluunka noo keena
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday shirkii maanta soo gabogaboobay ee Dhaqaalaha Biyaha waxa uu booqday goobtii lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya, wuxuuna ka yiri hadal kaftan-ah.

Sida ka muuqata muuqaal ay faafisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, mid ka mid ah hawlwadeenada goobta bandhigga ayaa madaxweynaha u sharaxayay kheyraadka kalluunka ee Soomaaliya, wuxuuna yiri "Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya".

Kadibna Uhuru Kenyatta ayaa ku jawaab celiyay "Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna qaadka naga dhoofsada".

Qaadka ayaa ah 90% badeecooyinka ay u dhoofiso Soomaaliua, sannadkii horena waxaa kasoo galay lacag dhan Sh8.02 bilyan oo lacagta Kenya ah.

Kalluunka Soomaaliya

Inkasta oo inta baddan la sheego in kalluunka Soomaaliya si sharci darro ah loo guryo, haddane waxaa jirta xaddi yar oo ganacsato Soomaaliyeed ay u iib geyso dalka Kenya.

Sida aan ku faafinay warbixin bishii June ee sannadkan, ganacsato ku sugan magaalada Kismaayo ayaa BBC-da u sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay magaalada Mombasa u dhoofiyeen 47 tan oo kalluun ah.

Labadan dal ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis aan cago badan ku taagnayn oo iskaashi ganacsi ah, kaas oo illaa hadda la sheegay in dheelitirka uusan sax ahayn, una janjeero dhanka Kenya oo maalin kasta qaad aad u tiro badan u dhoofisa Soomaaliya.

Xigasho: BBC