4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Madaxweynaha Jubbaland oo booqday goobo la dajiyey shacab Kenya laga soo celiyey

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-  Madaxweynaha Jubbaland ,Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xaafadda Cusub ee Midnimo oo ay deggan yihiin dadka kasoo laabtay xeryaha Qoxootiga Kenya iyo kuwa waddanka gudahiisa ku barakacay.

Mashaariic kala duwan oo halkan laga fuliyay ayuu Madaxweynahu booqday oo ay kamid yihiin Isbitaal iskuul iyo Xarun boolis nalalka cadceeda ku shaqeeya iyo ceelal biyoodyo.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay howlwadeena goobaha qaar oo dhismahooda ay wax ka dhiman yihiin in la dardar galiyo iyo in goobaha waxbarashada iyo adeegyada kalaba la dardar galiyo.

Madaxweynaha ayaa qaybaha bulshada qaar kamid ah la kulmay inta uu booqashada ku jiray isagoo ka waraystay xaaladaha nolosha iyo waxa ay dareemayaan waxaana kormeerka ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]