4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Musharrax Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad: Waxaan ka shaqeynayaa sidii loo soo celin lahaa gobollada ka maqan Puntland ee SSC

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019-ka, Musharrax Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii deegaannada ka maqan Puntland uu dib usoo celin lahaa.

Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad , ayaa hadalkan ka sheegay xalfad qado sharad ah oo ay u sameeyeen Nabadoonnada, waxgaradka,haweenka iyo dhallinyarada ka soo jeedda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee gobolka Mudug.

Waxaa kalo xalfadda ka qaybgalay qaar ka mid ah nabadoonnada iyo waxgaradka gobolka Mudug.

" Ma dhicin inan annagu musharrax marti-qaadno , musharrixiinta iyagaa noo yeeri jiray." ayuu yiri mid ka mid ah nabadoonnada ka soo jeedda gobollada SSC ee munaasabadda hadal ka jeediyay,iyagoo dhanka kale u rajeeyay musharraxa inuu xilka uu raadinayo ku guuleysto.

Eng. Maxamed Cismaan , ayaa munaasabadda ka sheegay in qorshayaashiisa ugu horreeya ay ugu jirto haddii uu xilka ku guuleysto in adeegyada maamulka iyo adeegyada horumarinta la gaarsiiyo deegaannada fog fog ee gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn,isagoo si gaar ah diiradda u saaray adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

"Waxaan idin ballan-qaadaya in waxa ugu horreeya ka dhigo sidii dhulka maqan dib loogu soo celin lahaa,loona garsiin lahaa adeegyada dowladda iyo kuwa horumarinta". ayuu yiri Eng. Maxamed Cismaan.

Qaar ka mid ah nabadoonnada iyo waxgaradka gobolka Mudug, ayaa dhankeeda munaasabadda ka soo jeediyay baaq ku wajahan gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn,iyagoo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii musharraxa Maxamed Cismaan uu ugu soo bixi lahaa doorashada.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in la qabto siddeeda bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka,iyadoo dhammaan gobollada ay ka socdaan ololaha doorashada madaxweynaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]