4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Xog-hayaha guddiga Maaliyada: Guddoomiyaha golaha shacabka wuxuu ii sheegay inay sharci darro tahay guddiga in lakal diro

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-   Xog-hayaha guddiga Maaliyada ,Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa meesha ka saaray in la kala diray guddiyo dhowr ah oo ay kamid yihiin guddiga miisaaniyada iyo maalliyadda,kaddib markii sacadihii hore ee Arbacada maanta la baahiyay wareegto uu ku saxiixnaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey oo  xusay in uu go'aankan uu kala tashaday guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenka labaad.

"Waxaan is maqalnay guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna ii sheegay inuusan waxaas raalli ka ahayn ,qaybna ka ahayn, sharci darrana-tahay oo u booskeenna oo kale ka joogo, wuuna imaan doonaa". ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Waxa uu sheegay in guddoonka uusan sharci u lahayn inuu kala diro guddi hooseedyada,isagoo inta ku daray "Waa waxba kama jiraan guddiga wuu shaqeyn doonaa, indhihiina ayaadna ku arki doontaan".

Xog-hayaha guddiga Maaliyada ,Cabdullaahi Maxamed Nuur  oo la hadlay telefishinka maxalliga ah ee Dalsan, ayaa dhanka kale sheegay inuu iska diidday dalab lacageed oo uu ugu yeeray guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka  Mahad Cabdalla Cawad si uu u fududeeyo guddiga in lakala diro , wallow aysan jirin cid arrinta caddeysay , sidoo kale guddoomiye ku-xigeenka arrintan kama uusan hadlin.

Kala dirida guddiga maaliyadda ayaa timid, kadib markii guddiga warbixin uu soo saaray uu ku sheegay in lacag malaayiin doolar ah ay lunsatay dowladda federaalka, hasayeshee arrintaasi ayaa waxaa ku gacan seeray xildhibanaada barlamaanka iyo wasiirka maaliyadda oo sheegay in warbixintaasi aysan waxba ka jirin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]