4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Carwo bandhigeedka ganacsiga Jubbaland oo laga daahfuray Kismaayo


Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-Carwo bandhigeedkan oo ay ka qeybgaleen shirkadaha ganacsi ee magaalada Kismaayo iyo qaar kamid ah ganacsatada yar yar yare ee magaalada ayaa maanta laga daahfuray magaalada Kismaayo, ayadoo daahfurka uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.

Ganacsatada ayaa Hool ku yaal Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo kusoo bandhigay ganacsiyo kala duwan, ayadoo ganacsatadu ay aad ugu soo diyaargaroobeen bandhiggan.

Carwo Bandhigeedkan oo ahaa mid sidoo kale ganacsatadu ay qiimo dhismis ku sameeyeen adeegyada ay bixiyaan ayaa waxaa uu fursad u ahaa bulshada reer Kismaayo oo manata ka dukaameeysanayay carwa bandhigeedka ganacsi.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadahaJubbaland Mudane C/nuur Cali Aadan iyo masuuliyiinta wasaaraddaasi oo barnaamijkan soo qabanqaabiyay ayaa waxa ay sheegeen in ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu dhiirigeliyo ganacsatada sidoo kalena ay fursad u tahay dadka doonaya in ay ganacsi bilaabaan.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo qudbad ka jeediyay munaasbaddii daahfurka ayaa sheegay in ganacsatada reer Jubbaland ay laf dhabar u yihiin wax soo saarka dalka, isagoo ku booriyay ganacsatada in ay dardar geliyaan ganacsigooda si ay u horumariyaan dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada maalqabeenka ah ee dalka iyo kuwa caalamkaba in ay maalgashtaan Jubbaland isagoo xusay in ay u fududeyn doonnaan shirkadaha iyo ganacsatadaba sidii ay ku heli lahaayeen dhul ay ku shaqeystaan, taa oo uu xusay in dowladdu ugu deeqi doonto.

Carwa bandhigeedkan oo ay ka qeybgaleen in ka badan 30 shirkadood oo ganacsi ayaa socon doona mudo sedex maalmood ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.