4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Komishanka Doorashooyinka oo sheegay in doorashaddii golaha Wakiilada iyo deegaanku dib u dhac ku yimid

 

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shaaciyey in aanay doorashaddii golaha Wakiilada iyo deegaanku aanay dhacayn mudadii hore loogu cayimay oo ahayd March 29,2019.

Guddida doorashooyinka ayaa sheegay markii uu dhameeyey dhamaan waxyaalihii iyaga ku xidhnaa inay caqabad u noqotay xeerarka qaarkood, dhaqaalihii iyo murano ka dhex jiray xisbiyada dhexdooda, waxaanay shegeen in xisbiga WADANI sheegay in kalsoonidii kala noqday, taas oo ka hor timid u diyaar garowgii doorashooyinka la filayey inay dalka ka dhacaan.

“Caqabadaha waxaa ka mid ah xeerarka doorashooyinka, saami qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada, wada shaqayn la’aanta xisbiga wadani oo uu ku dhowaaqay inuu wada shaqayntii komishanka uu joojiyey, miisaaniyadii diiwaangalinta iyo doorashooyinka oo dib u dhacday muranka jira awgeed”ayuu yidhi gudoomiyaha gudida C/qaadir Iimaan.

Sidoo kale, waxay sheegeen haddii xal loo helo caqabadaasi inay doorashada ku qaban karaan toban bilood oo aan hakad lahayn oo ka bilaabmaya marka la xaliyo duruufaha ku gadaaman qabsoomida dooashooyinka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.