4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka oo la kala diray

 

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-Wareegto ka soo baxday goor dhaw guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa lagula kala diray guddiggii Maaliyada Xukuumadda iyo Miisaaniyada Soomaaliya.

Talaabadan uu guddoonka  Baarlamaanka Soomaaliya ku kala diray guddiga Maaliyada ayaa imaneysa kaddib markii dhawaan ay soo saareen  Warbixin ka dhan ah Wasaarradda Maaliyada iyo Maamulka gobolka Banaadir oo ay ku eedeeyeen in ay lusadeen lacago Malaayiin Dollar ah.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddiga Maaliyada oo ku aadan go'aanka ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka ee lagu kala diray.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waa idin soo gudbin doonnaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]