4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada oo War ka soo saaray go'aankii Aqalka Sare

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ayaa war kasoo saaray Go’aankii maalintii shalay kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee dhigayay in la xaliyay khilaafkii dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

Warka ka  soo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda oo hadda uu  Gudoomiye ka yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa  si buuxda loogu taageeray dadaallada Aqalka Sare.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada waxaa ku saxiixay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf  :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]