3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Jaamacadda Carabta oo qabaneysa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

 

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL) –Ururka ay ku mideysan yihiin Jaamacada Carabta ayaa lagu wadaa in dhawaan ay qabteen shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo looga hadlayo taakuleynta Soomaaliya iyo Deyn cafiska.

Wasiiru-dowlaha Wasaarradda arrimaha dibedda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyre ayaa sheegay in shirkaan la qaban doono Bisha soo socota December, islamarkaana diiradda lagu saari doono Arrimaha Soomaaliya.

‘’Shirkan waa shir muhiim ah oo looga hadli doono arrimo la xiriira taakuleynta Soomaaliya iyo deyn cafiska’’ ayuu yiri Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay dhawaan la wareegi doonto Hoggaanka Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda ,islamarkaana hoggaanka ay heyn doonto Muddo dhan 6 bilood.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in inta uu socd shirka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta sameyn doonaan yabooh ku aadan horumarinta waxbarashadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/28/2018 4:04 PM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dalka Koonfurta Suudaan,Salvatore Garang ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas,Danjire Xuseen Xaaji Axmed ,iyagoo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah sida xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

11/28/2018 3:57 PM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday shirkii maanta soo gabogaboobay ee Dhaqaalaha Biyaha waxa uu booqday goobtii lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya, wuxuuna ka yiri hadal kaftan-ah.

11/28/2018 3:53 PM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland ,Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xaafadda Cusub ee Midnimo oo ay deggan yihiin dadka kasoo laabtay xeryaha Qoxootiga Kenya iyo kuwa waddanka gudahiisa ku barakacay.

11/28/2018 3:47 PM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019-ka, Musharrax Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeyn doona sidii deegaannada ka maqan Puntland uu dib usoo celin lahaa.

11/28/2018 3:02 PM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Xog-hayaha guddiga Maaliyada ,Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa meesha ka saaray in la kala diray guddiyo dhowr ah oo ay kamid yihiin guddiga miisaaniyada iyo maalliyadda.

11/28/2018 1:58 PM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Madaxweynaha xilka haya ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dalbaday in lagu taageerro isbedel uu ku hoggaamiyo Puntland shanta sanno ee soo soco, kaddib socdaal uu maanta ku gaaray magaalada Dhahar.

11/28/2018 11:04 AM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maata qaaday tallaabo lagu kala diray Guddiggii Maaliyada iyo Miisaaniyada Golaha Shacabka kaddib qoraal uu ku saxiixnaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey oo ka soo baxay guddoonka sare ee Golaha Shacabka.

11/28/2018 10:22 AM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-Carwo bandhigeedkan oo ay ka qeybgaleen shirkadaha ganacsi ee magaalada Kismaayo iyo qaar kamid ah ganacsatada yar yar yare ee magaalada ayaa maanta laga daahfuray magaalada Kismaayo, ayadoo daahfurka uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.

11/28/2018 8:10 AM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shaaciyey in aanay doorashaddii golaha Wakiilada iyo deegaanku aanay dhacayn mudadii hore loogu cayimay oo ahayd March 29,2019.

11/28/2018 5:52 AM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-Wareegto ka soo baxday goor dhaw guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa lagu kala diray guddiggii Maaliyada iyo Miisaaniyada Xukuumadda Soomaaliya.

11/28/2018 4:49 AM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Taliyaha ugu sareeya howlgalka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa safar lama filaan ah maalintii shalay ku tagay magaalada Muqdisho

11/28/2018 3:32 AM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)- Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada ayaa war kasoo saaray Go’aankii maalintii shalay kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee dhigayay in la xaliyay khilaafkii dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

11/28/2018 1:08 AM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn mar kale habeennimadii xalay diyaarado dagaal ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

11/28/2018 12:39 AM EST
Arbaco, November, 28, 2018 (HOL) –Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay 48 –dii saac ee la soo dhaafay fariimo kala duwan oo loogu hanjabayo uga imaanayeen madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan xukuumadda