4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Duqeyn kale oo xalay diyaarado dagaal ka geysteen gobolka Mudug

 

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn mar kale habeennimadii xalay diyaarado dagaal ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Gaar ahaan duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanka Caad oo ka tirsan degmada Xarardheere halkaa oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeynta lala eegtay saldhigyo ay halkaa ka degenaayeen saraakiisha iyo dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab, loona geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Duqeyntan ayaa imaneysa xili todobaadyadii ugu danbeeyayba ay sii kordhayeen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka geysanayeen gobolka, waxaana celcelis ahaan ku dhintay duqeymo maalmihii tagay halkaa ka dhacay tiro ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]