4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo sheegay in looga soo hanjabay dhinaca Xukuumadda

 

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL) –Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay 48 –dii saac ee la soo dhaafay fariimo kala duwan oo loogu hanjabayo uga imaanayeen madaxda ugu sareysa dalka.

Gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay xukuumadda oo sida uu sheegay si toos ah u soo gaarsiisay maalmihii ay socdeen dooddaha ku saabsanaa warbixintii guddiga maaliyada fariimo loogu hanjabayo, qaarkood-na sida uu hadalka u dhigay si toos ah loola hor-yimid.

‘’Runtii waan maqli jiray, laakiin waligey ma rumeysan in arrimahan oo kale dhici karaan, waxaa socda hajabaado joogta ah lagu hayo laga soo bilaabo Warbaahinta, Dadka Shacabka ah, Mas’uuliyiinta dowladda qaarkood, waxaa xusid mudan in maalmihii ugu danbeeyay oo ay socdeen Dooddaha Baarlamaanka in ay bar bar soctay hajabaad Amni, ‘’ ayuu yiri Cabdullaahi Axmed Nuur oo intaa ku daray in isaga si toos ah loogu hanjabay.

Ma uusan sheegin xildhibaanka cid gaar ah oo hajabaadan u soo dirtay marka laga reebo in uu eedeyntiisa u jeediyay xukuumadda oo kaliya, sidoo kalana ma uusan sheegin uu la wadaagay arintan laamaha Amniga oo ay quseyso.

‘’Annigu ma’ahi qof hanjabaadaha u nugul, laakiin waxaan rabaa in aan shacabka Soomaaliyeed la wadaago in arintasi jirto oo toos ah Anniga iigu dhacday’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhawaan ayuu xildhibaanku baarlamaanka ka dhax sheegay in xukuumadda Soomaaliya fara-galin ba’an ku heyso howlaha Baarlamaanka gaar ahaan Guddiga Maaliyada, isaga oo ku eedeeyay in xukuumaddu sabab u aheyn in 10 xubnood oo guddiga ka mid ah sheegay in aysan waxba kala socon warbixintii uu guddigu soo saaray ee aheyd in lunsaday lacago Malaayiin dollar ah.

Waa markii ugu horeysay oo xildhibaan ka ka tirsan Golaha Shacabka uu sheego in si toos ah looga soo hanjabay xafiis-yada madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan xukuumadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]