Talaado, November, 27, 2018 (HOL) – Wafdi ka socda
Midowga Africa oo uu horkacayay Gudoomiyaha golaha siyaasada iyo amaanka
midowga africa maxamad idiris faarax ahna safiirka dowlada Jabuuti ee Itoobiya
ayaa maanta soo gaaray magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
Wafdiga waxaa magaalada Beledweyne ku soo
dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare gudoomiyaha
gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagara Daba-Geed, saraakiisha ciidamada qalabka
sida kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada baladweyne.
Wafdiga ayaa ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada
AMISOM iyo kuwa soomaaliya madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo qeybo ka mida
ururarada Bulshada rayidka ah.
Markii uu soo dhamaaday kulanka kaddib waxaa
warbaahinta la hadlay Maxamed Idiris guddoomiyaha Golaha Amaanka iyo Siyaasada Midowga
Africaa ahna safiirka dowlada Jabuuti u qaabilsan Itoobiya, isaga oo sheegay in
ay cabashada uu madaxweynaha
Hirshabeelle u gudbiyay Midowga Africa ay wax ka qaban doonaan ciidamada AMISOM
ayuu sheegay in Hirshabeelle kala shqeyn doonaan furitaanka wadooyinka ay kala
xireen al shabaab.
Sidoo kale Wakiilka Midowga Africa Soomaaliya Francisco Madeira oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa u
mahad celiyay madaxda maamulka Hirshabeelle sida ay u soo dhaweeyeen
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed
Cabdi Waare ayaa u mahad celiyay wafdiga Midowga Africa ee maanta soo gaaray
Beledweyne.
Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in
ay magaalada soo gaaraan wafdi ka socda dowladda federaalka gaar ahaan mas’uuliyiinta
ugu sareysa oo dhagax-dhiggi doona mashaariic dhowr ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]