4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2018
Cabdiweli Gaas : Doorashada waqtigeeddii siddeeda January ayay dhacaysa

Talaado, November, 27, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu meesha ka saaray inay dib u dhici karto doorashada madaxweynaha Puntland, isagoo sheegay in waqtigeeda ku dhici doonto.

"Doorashada waligeed waxay dhici jirtay siddeeda January... 8 January 2019-ka doorasho fiican oo xor ah oo xalaal ah oo kuwii hore ka sii fiican ayaa dhici doonta Insha allah." ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo hadalkan ka sheegay daahfurka isbitaalka degmada Qardho oo dib maanta loo furay.

Cabdiweli Gaas, waxa uu kor u qaaday hadal heynta ku aaddan inuu mar kale doorashada ka qaybgalayo, waxa uu yiri " Haddaad Khadarkiinna soo ceshataan Alxamdulilaah, haddaad mid kale keen sataanna Rabilcaalamiin weeye".

Ololaha doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa guud ahaan deegaankaasi laga dareemayaa, walow aanay u qabsoomeynin qaabka qof iyo codka ah, balse waxaa wax dooran doona 66 xubnood oo matalaya qabaa`ilka degga Puntland, kuwaasoo soo xuli doona xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo iyagu dooran doona madaxweynaha soo socda.

Doorashada  ayaa ah mid aad looga warsugayo qaabka ay u dhacdo, ayadoo codbixintana lagu wado inay qabsoonto 8-da Jannaayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]