3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2018
Al-shabaab isku ekeysiiyay ciidamada Amniga Dowlada oo la xukumay

 

Talaado, November, 27, 2018 (HOL) – Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Al-shabaab kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013.

Waxaa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose .

Waxa uu sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero  ay ula baxeen Cuteybah.

Waxaa uu  raaciyay  in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobolka Banaadir  20-May 2018.

12-11  ee sanadkan ayay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad qaadista eedeysanayaal Cali Aadan Cabduulaahi, C/casiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaai Subeyr Cumar iyo Cabaas Idriis Sheikh Cali.

Maxkamadda ayaa aqbashay 20-11 ee sanadkan in la qaado kiiska ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.

 

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka  gaaray kiiska maalintan, waxaa ayna Maxkamadda ku  kala xukuntay

1- Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay

a-  Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali

b- Cabdullaahi Subeyr cumar iyo

C- Cabaas Idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah  , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah gar-soorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale  uu ku dalban karo Rafcaan hadii  uusan ku qancin xukunka maxkamadda Darajada koowaad ee ciidaamda Qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/27/2018 12:00 PM EST
Talaado, November, 27, 2018 (HOL) – Wafdi ka socda Midowga Africa oo uu horkacayay Gudoomiyaha golaha siyaasada iyo amaanka midowga africa maxamad idiris faarax ahna safiirka dowlada Jabuuti ee Itoobiya ayaa maanta soo gaaray magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

11/27/2018 9:40 AM EST
Talaado, November, 27, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee halka uu deegaan hoostaga degmada ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

11/27/2018 6:31 AM EST
Talaado, November, 27, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu meesha ka saaray inay dib u dhici karto doorashada madaxweynaha Puntland, isagoo sheegay in waqtigeeda ku dhici doonto.

11/27/2018 4:25 AM EST
Talaado, November, 27, 2018 (HOL) -Gudiga Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda ayaa Ku dhawaaqay in la dhameeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Iyo Maamul Goboleedyadda.

11/27/2018 3:56 AM EST
Arbaco, November, 27, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay magaalada Nairobi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

11/27/2018 12:39 AM EST
Talaado, November, 27, 2018 (HOL) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Soomaaliya ee lagu dilay sheekh caan ah iyo tiro kale oo ah dad rayid ah.

11/27/2018 12:33 AM EST
Talaado, November, 27, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegay in maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Cali uu habeennimadii xalay toogasho ku dilay Xaaskiisa oo xaamilo aheyd lagu-na magacaabi jiray Jamiila Sheekh Cali Ibraahim.