3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha badaha

Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha  Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirka dhibaatooyinka lagu hayo badda Soomaaliya, mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinkaas iyo tallaabooyinka lagaga hortagayo dhammaan xad gudubyada lagu hayo xeebaheenna.

“Caqabadaha deegaan ee saamaynta ugu badan ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee badda Soomaaliya, qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan ka faa'iideysiga khayraadka badda iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Dowladdaydu waxa ay garoowsan tahay in khayraadka baaxadda weyn ee aan leenahay ee weli aan la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la'aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqo la'aanta. Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran.”

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga badaha, xoojinta iskaashiga, xal u helidda caqabadaha ku xeeran kafaaiidaysiga khayraadka iyo isu-socodka gaadiidka badda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/26/2018 3:36 PM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku yimid booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa.

11/26/2018 12:07 PM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,Feysal Cumar Guuleed ayaa shegay in ay wasaardu soo dhameystireyso manhajka oo hada ku koobaan dugsiyada koobaad ilaa afaraad.

11/26/2018 11:59 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Qardho,halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

11/26/2018 11:48 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya inay caburin ku heyso Suxufiyiinta.

11/26/2018 11:13 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka iyo ku hoos shaqeynta tubta amniga iyo caddaaladda ee xukuumaddu u qorsheysay in dalka xasillooni lagula soo dabbaalo.

11/26/2018 10:16 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigisii ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaaanu xallay u hoyday degmada Ceel afweyn oo uu kula kulmay culimadii loo xil saaray xalinta dagaalo beeloodyadii ka dhici jirey deegaanka Ceel afweyn.

11/26/2018 8:04 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay darwalkii waday gaarigii maanta isku qarxiyay xaafadda Kaawo Godey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

11/26/2018 6:26 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Dowladda Ruushka ayaa diiday baaqyada caalamiga ah oo ku aaddan inay sii deyso saddex ka mid ah maraakiibta dagaal ee Ukrain oo soo galay xeebaha Ruushka uu maamulo ee Crimai.

11/26/2018 5:40 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)-Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmaada Wadajir ee magaalada Muqdisho

11/26/2018 4:06 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)-Mu’tamarka sanadlaha ah ee uu qabto sanad walba Islamic Center of St. Cloud ayaa usbuucaan lagu qabtay xarunta weyn ee shirarka ee magaalada St. Cloud. Kulankan balaadhan, ayaa lagu maamuusay qalin-jabinta 48 arday, kuwaas oo ku dhammeeyay quraanka kariimka ah magaalo aanay laga jecleyn muslimiinta.

11/26/2018 3:11 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor goor dhaw oo maanta ah soo gaaray magaalada Beledeyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

11/26/2018 1:44 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Shirka dhaqaalaha Badaha ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo ay ku suganyihiin hoggaamiyayaal dhowr ah oo shirka ka qaybgalaya.

11/26/2018 1:26 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo isimmo kale oo nabadeyn u jooga magaalada Taleex ayaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ka codsaday in gobol loo magacaabo magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

11/26/2018 1:18 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay munsaabad lagu sagootinayay 124 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan.

11/26/2018 12:51 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Xoogagga Al-shababa ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxyo culus iyo weerar toos ah oo saakay lagu qaaday xarun uu Koonfur magaalada Gaalkacyo ka deganaa Wadaad lagu magacaabo Cabdiwali Cali Calmi Yare.

11/26/2018 12:49 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Ugu yaraan 11 ruux oo uu ku jiro wadaad caan ah ayaa ku dhintay weerar subixii hore ee Isniinta maanta ka dhacay xarun diimeed ku taalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

11/26/2018 12:32 AM EST
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in Subaxnimadii hore saakay Qarax-yo iyo Weerar toos ah lagu beegsaday xarun Koonfurta magaalada Gaalkacyo uu ka deganaa Wadaad caan ah oo lagu magacaabo Cabdwali Cali Cilmi Yare.