4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Cabdiweli Gaas oo magaalada Qardho gaaray

Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Qardho,halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

"Waan ku faraxsanahay inaan idinku soo booqano waxaan halkaan u nimaannay inaan daah furno mashaariico horumarineed oo ay dowladdu halkaan ka hirgalisey." ayuu yiri Gaas.

Mashaariicda uu xarigga ka jarayo madaxweynaha Puntland, waxaa ka mid ah isbitaalka magaalada Qardho,isagoo halkaas maalmo sii joogi doona.

Wax yar afartan maalin ayaa ka dhiman muddada xil heynta madaxweyne Gaas,iyadoo la filayo in doorashada madaxweynaha la qabto horraanta bisha Jannaayo ee sannadka 2019, waxaannan kala caddeyn in Cabdiweli Gaas uu doorashada ka qaybgalayo iyo in kale,maaddaama uusan wali shaacin inuu mar kale xilka u sharraxanyahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]