4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
NUSOJ: Qatar ayey wariyaasha kala kulmayaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre


Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya inay caburin ku heyso Suxufiyiinta.

Macalimuu ayaa sheegay in aanay ogeyn halka uu ku xiran yahay Wariye Nuur Ismaaciil oo 20kii bishan ay xireen Ciidamo ka tirsan dowladda oo xabsi dhigay, waxa uu inta ku daray in wariyayaasha Soomaaliyeed ay halis weyn ku jiraan, waxaana uu xusay in  Dowladda iyo al-Shabaab ay hanjabaado joogto ah ku hayaan suxufiyiin badan oo dalka ka howlgasha.

Macalimuu wuxuu ka digay in khatar weyn ay soo wajahday xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, iyadoo maamulada dalka ay xabsiga u taxaabaan inta badan wariyeyaasha ka hadla arrimo liddi ku ah siyaasadda maamuladooda, oo qaar badana loo dilay, halka kuwa kale dhaawacyo halis ah loogu geystay.

"Xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre Saxaafadda waxay u qaybisay qaar ay u hanjabto iyo kuwa ay laaluushtay, waana xukuumaddii ugu qallafsaneyd ee Saxaafadda soo marta". ayuu yiri Macalimuu.

Waxa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan baaritaan ku sameyn dilkii dagmada Xamar Jajab loogu geestay wariye ka shaqeynayay Telefishinka SBC xaruntiisa Muqdisho oo ciidan boolis ah ka dambeeyeen, waxaana sidoo kale jirtay in Wariye wax ku qora warbaahinta Caalamiga oo lagu magacaabo Cabdalla Muumin in isna hanjabaad looga soo diray xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ilaa hadana majiraan wax baaritaan ah oo lagu sameeyay.

Macalimuu, ayaa si cad u sheegay in dalka uu ku jiro xaalad qalafsan, isagoo intaa raaciyay in  Dastuurka dalka uu xarrimayo in muwaadinku xirnaado wax ka badan 48 saac maxkamad la’aan.

Sidoo kale, waxaa shirka jaraa’id ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Mocalimuu ku qabtay Muqdisho, ka soo muuqday Hooyo Madiina Xaaji Cali oo wiilkeeda Nuur Ismaaciil Sheekh oo wariye ah uu xiran yahay.

Hooyo Madiina waxay sheegtay in wiilkeeda oo hadda xiran 8 maalmood aan la garaneyn sabab loo heysto. mana jirto eedeyn qoran oo loo jeediyay iyo maxkamad oggollaatay xarigga intaa la’ eg.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]