Isniin, November, 26, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay darwalkii waday gaarigii maanta isku qarxiyay xaafadda Kaawo Godey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Wakaalada SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga qarxay gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]