4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Ruushka oo qabtay saddex ka mid ah maraakiibta dagaal ee Ukrain

Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Dowladda Ruushka ayaa diiday baaqyada caalamiga ah oo ku aaddan inay sii deyso saddex ka mid ah maraakiibta dagaal ee Ukrain oo soo galay xeebaha Ruushka uu maamulo ee Crimai.

Xukuumadda Moscow , ayaa shaaca ka qaadday inay gacanka ku dhigeen saddex markab oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahay dowladda Ukrain,waxaana rasaas ay fureen ciidammada Ruushka ku dhaawacmay dhowr badmaax oo u dhashay waddanka Ukrain, arrintan oo walaac laga qabo dagaal hor leh oo labada waddan ka dhex qarxa.

Ciidammada ammaanka Ruushka ee FSB ayaa sheegay ciidamadooda inay ku wareegayeen badda madow xilligaasi oo lasoo qabtay maraakiibta dagaal ee Ukrain, waxaana ay diideen inay istaagaan.

"Waxaa hubka loo isticmaalay si qasab in lagu joojiyo maraakiibta dagaal ee Ukrain".  ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay FSB.

Xukuumada Kiev ayaa sheegtay in weerarkii shalay gelinkii danbe dhacay ay ku dhaawacmeen 6 askari oo ka tirsan ciidamadooda badda isla markaana Ruushka uu qabsaday 3 Markab oo ay Ukraine leedahay.

Madaxwaynaha Ukrain, Petro Poroshenk ayaa la kulmay madaxda sare ee militariga, waxaana uu xusay inuu gudbin doono Baarlamaanka inay qaadaan talaabo militari, waxa uu inta ku daray inuu soo rogayo xaalad deg deg ah si uu waddankiisa isaga difaaco duulaanka cusub ee Ruushka, wallow uu sheegay in dowladiisa ay weli diyaar u tahay in hab nabad ah lagu xalliyo dhulka ay isku heystaan Ruushka ee goballada bariga Ukraine iyo jasiirada Crimea.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu waday inuu kulan ka yeesho hormaro laga gaaray colaadda dalalka Ruushka iyo Ukrain oo horay ugu murmay gacanka Crimai.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]