4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Boqor Burhaan iyo Isimmo kale oo madaxweynaha Puntland ka codsaday in gobol loo magacaabo magaalada Taleex

Isniin, November, 26, 2018 (HOL)-  Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo isimmo kale oo nabadeyn u jooga magaalada Taleex ayaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ka codsaday in gobol loo magacaabo magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

"Halkan waxaan ka soo gudbineynaa farriin aniga iyo Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, farrinta oo aan wakiil uga nahay dhammaan Isimmadii iyo salaadiintii deegaannada kala duwan ka yimid ee Jubbaland iyo Puntland ee ku sugan magaalada Taleex.. waxaa ay shacabka reer Taleex codsadeen oo aan u soo gudbinaynaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas iyo golihiisa xukuumadda inay u magacaabaan magaalada Taleex gobol la yiraahdo gobolka Taleex". ayuu yiri boqor Burhaan.

Boqorka ayaa inta ku daray magaalada Taleex inay u qalanto in gobol loo magacaabo, isagoo ku xoojiyay xukuumadda Puntland kulankooda ugu horreeya inay gobol ugu magacaabaan Taleex.

Soomaaliland ayaa horay gobol  Xaysimo u magacowday magaalada Taleex.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]