4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Al-shabaab oo sheegtay mas'suuliyada Qaraxyo saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo

 

Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Xoogagga Al-shababa ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxyo culus iyo weerar toos ah oo saakay lagu qaaday xarun uu Koonfur magaalada Gaalkacyo ka deganaa Wadaad lagu magacaabo Cabdiwali Cali Calmi Yare.

Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in weerarkaasi ay ku dileen sida ay hadalka u dhigeen Cabdiwali Cali Calmi oo xaruntaasi maamulayay, iyaga oo ku eedeeyay islamaarkaan sheegay in uu ahaa shaqsi Nibinimo sheegtay.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 11 ruux oo ilaalo u ahaa Wadaad, waxaana sidoo kale jira tiro badan oo dhaawacyo ah oo loo qaaday isbitaallada magaalada Gaalkacyo.

Xarunta la weeraray ayaa saldhig u aheyd kooxo dhalinyaro ah oo isugu jiray Wiil iyo Gabdho da’yar halkaa ku qaadi jira digri lagu laray Music, waxaana erayada ay ku luqaayaan ka mid ahaa Aayado Qur’aan ah taasoo dad badan siweyn uga xumaadeen.

Sidoo kale Wadaadkan ayaa mar ka soo muuqday maxkamad ku taala Koonfur magaalada Gaalkacyo isaga oo ku eedeysnaa in uu sameeyay Sawir Gacameed uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed NNKH, hasse ahaatee maxkamada ayaa markii danbe fasaxday iyaga oo sheegay in uusan wax danbi ah laheyn.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamul gobolleedka Galmudug oo la xiriira Qaraxyada iyo weerarrada saakay ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]