4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Qaraxyo waaweyn iyo weerar toos ah oo ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo

 

Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in Subaxnimadii hore saakay Qarax-yo iyo Weerar toos ah lagu beegsaday xarun Koonfurta magaalada Gaalkacyo uu ka deganaa Wadaad caan ah oo lagu magacaabo Cabdwali Cali Cilmi Yare.

Gaariga oo gudaha u galay xarunta uu deganaa Sheekha iyo xirtiisa ayaa Qaraxyada ayaa lagu waramayaa in uu gabi ahaanba baabi’iyay dhismihii xarunta, sidoo kale-na waxaa jira khasaare ballaaran oo dhimasho iyo dhaawac-ba leh.

Dabley hubeysan ayaa iyaguna la sheegay in Qaraxyada kaddib in ay gudaha u galeen xarunta oo xiligaa ku sugnaayeen dad shacab ah iyo xirtii deganeyd.

Warar soo baxaya oo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin ayaa sheegay in dadka halkaa ku dhintay uu ka mid yahay Sheekh Cabdiwali oo ahaa Wadaadkii xaruntaasi maamulayay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]