Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo
wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo
ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.
Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga
arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira
maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta
saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo
ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo
bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta
dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama
Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka
digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha
shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey,
iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo
arrinkaas.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar
doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka
soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka
Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta
kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka.
Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey
Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in
kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo
xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]