4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2018
Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed oo sheegay in Mukhtaar Roobow yahay musharaxooda doorashada

 

Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Musharixiin markii hore ku midoobay golaha Isbadal-doonka Koonfur Galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo goor dhaw oo maanta ah ku dhawaaqay in ay u tanaasuleen islamarkaana musharaxoodu yahay doorashada soo socta Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Masuur.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayeey golaha ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya fara-galin ba’an oo ay ku heyso hannaanka madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed iyada oo leyska dhaga-marinayo ayeey sida ay hadalka u dhigeen rabitaanka shacabka.

‘’Markii aan aragnay fara-galinta qaawan oo ay dowladda federaalku ku heyso doorashada, markii aan tixgalinay rabitaanka Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed, markii aan ogaannay baahida loo qabo in dadku iyaga soo xushaan hoggaankooda islamarkaana dhistaan maamul hoosaadkooda, waxaan isla –garanay in Mukhtaar Rooboow uu noqdo musharaxa tartanka doorashada uga qeybgalaya golaha isbadal –doonka Koonfur Galbeed’’ ayaa lagu sheegay qoraaalka.

Tallaabada ay qaadeen golaha ayaa xaqiijineysa in Mukhtaar Rooboow yahay musharax leh taageero siyaasadeed islamarkaana la tartami doona musharaxiinta aan aan markii horeba qeybta ka aheyn golaha, iyadoo isla maanta mar kale la guddoonsiiyay Rooboow Shahaatadda musharaxnimada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]