4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2018
Saraakiil iyo dagaal yahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

 

Axad, November, 25, 2018 (HOL) - Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda Soomaaliya ilaa 15 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Jubbada dhexe.

Duqeyntan ayaa ka dhacday gaar ahaan deegaan qiyaastii 11km u jira halka lagu magacaabo Hargeysa Yare oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose, kaddib markii ay dhowr Gantaal lala eegtay goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Al-shabaab ee kulanka ku sugnaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi,  Horjooge Waliid iyo kuwo kale oo intaa ka badan.

Duqeymaha diyaaradaha ayaa maalmihii ugu danbeeyayba joogta ka ahaa gobollada bartamaha iyo Koonfur dalka Soomaaliya, waxaana intooda badan fulinaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gobolka Mudug ku dilay todobaadyadii aynu soo dhaafnay tiro ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]