Axad, November, 25, 2018 (HOL) -War ka soo baxay xafiiska maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu beeniyay eedeyntii ku jirtay warbixinta Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka u jeediyay ee ku xusnaa in illaa 16 Milyan oo dollar la musuq maasuqay.
Qoraalka ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa u dhignaa sidan :
Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka falcelinaya
qoraalka kasoo baxay shaqsiyaad ka mid ah Guddi Hoosaadka Maaliyadda
BFS, oo lagu baahiyey warbaahinta iyo baraha bulshada.
Dowladda Hoose ee Xamar & Maamulka Goboka Banaadir
waxuu ugu horeyn beeninayaa warbixintaas been abuurka aheyd oo si ku
talagal ah u siyaasadeysneyd taasoo aan ka tarjumeynin xaqiiqada dhabta
ah iyo horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ka sameynayo nidaamka
Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda.
Sida ku cad warbixinta ay soo diyaariyeen xubno ka
tirsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Qodobkiisa (t) Farqadiisa 9aad oo ay ku sheegeen in Dowladda Hoose ee
Xamar ay soo gashay Lacag dhan $16,556,504.75 mudadii 6da bilood ee
Janaayo Ivo Juun 2018, taas oo ah mid aan sax aheyn oo caddada intaas la
egna aysan soo xaroon.
Waxaa intaas sii dheer in dhammaan lacagaha Dowladda
Hoose soo gala ay si toos ah ugu dhacaan Bangiga dhexe isla markaasna
laga kharash gareeyo oo waxii faahfaahin ah laga heli karo.
farqadda 9aad (b), Dowladda Hoose waxey beenineysaa
eedeyntan, waxeyna caddeyneysaa in Maamulka uu leeyahay miisaaniyad
sannadeed degsan, miisaaniyad sannadeedka 2018 oo la ansaxiyey, waxaana
lagu shubaa miisaaniyadda nidaamka habka casriga ee (BRAFMIS).
Sida ku cad farqadda 9aad (d) Lacagaha 5.9 Milyan ee ku
xusan in uu soo bixiyay khasnajiga Guud ee Dowladda Hoose, waa kuwa
nidaamka maray oo Bankiga Dhexe uu hayo sidey u baxeen, ciddii
faahfaahin dooneysana ay ka heli karto, kharashaadkaas waxay ku baxeen
gunadda mushaaraadka shaqaalaha oo Bangiga Dhexe uu u wareejiyey
koontooyinka shaqaalaha ay ku leeyihiin Bangiyada gaarka ah, qaarna waa
mashaariicda ay hay’adaha caalamku ka fuliyaan caasimada, sida
kharashaadka dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey iyo kuwa lagu
socodsiinayey howl maalmeedka shaqo ee gobolka.
Sida ku cad farqadda 9aad (e), Dowladda Hoose ee Xamar,
waxey beenineysaa dhammaan eedeyntan, waxayna cadeyneysaa inay leedahay
hab raaca iibka oo waafaqsan sharciga iibka Qaranka, oo bixinta
Qandaraasyada iyo iibka waxaa loo marsiiyaa habraaca iibka ay Dowladda
Hoose leedahay.
Sida ku cad farqadda 9aad (f), Maamulka Gobolka Banaadir
& Dowladda Hoose Xamar wuxuu siiyaa shaqaalaha xuquuqda ay
leeyihiin waxaana wax kama jiraan ah eedeynta loo soo jeediyey ee ah in
laga jaray shaqaalha Dowladda Hoose gunnooyinkooda saami dhan 30%, oo
xisaab xirka ay ku cadahay in tan iyo 2015kii aan shaqaalaha laga jarin
saami 30%.
Sida ku cad farqadda 9aad (g), Maamulka G/Banaadir waxuu
beeninayaa eedeynta ah in Maamulka uu helay qoondo dheeri ah ee
miisaaniyadda Dowladda Dhexe. Lacagaha dheeriga ah ayaa ah tan SURGE
support ee caalamku ugu deeqo dhammaan gobollada dalka , lacagtaas oo
loogu tala galay shaqo abuurka dhalinyarada iyo mashaariic lagu
horumarinaayo Gobolka sida dhismaha laamiga ee waddada xeebta liido.
Sidaas darteed, waxaa mar waliba maamulka Gobolka
Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ka go’an in ay u hogaansanaato isla
xisaabtanka iyo qancinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada
Muqdisho, hase yeeshee shacabka Muqdisho marna ma aqbali karaan in
shaqasiyaad dano gaar ah leh ay marin habaabiyaan horumarka baaxada leh
ee uu Maamulku ku talaabsanayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]