4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2018
Xaalada caafimaad madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo aan wanaagsaneyn

 

Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Robert Mugabe madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe oo hadda 94 sano jir ah ayaa laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad.

Waxaa la sheegay in hadda lagu daweynayo muddo labo bilood ah isbitaal ku yaala dalka Singapore sida uu meel fagaaro ah ka sheegay madaxweynaha dalkaasi Zimbabwe Emmerson Mnangagwa.

“Dabcan isagu hadda waa oday da’ ah, ma awoodo in uu socdo laakiin wax walba oo uu na weydiisto waan siineynaa.”ayuu Mnangagwa ugu sheegay boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa magaalada Zvimba oo ah oo `100km galbeed ka xigta caasimada Harare ahna halka uu ka soo jeedo Mugabe.

“Waan xanaaneyneynaa Aabihii aasaasay Zimbabwida Xorta ah.”ayuu sii raaciyay Mnangagwa.

Mugabe ayaa la filayay in horaanta bishii hore ee Oktobar uu ka soo laabto dalka Singapore hase yeeshee xaalad caafimaad awgii ayaa loo baahday in uu sii joogo bil kale sida uu sheegay Mnangagwa.

Hase yeeshee waxaa la filayaa in dhamaadka bishan November uu dib ugu soo laabto dalkiisa.

Bishan ayaa waxa ay ku beegan tahay sanadguuradii koowaad markii Mugabe uu iska casilay xilka madaxtinimo kadib markii Milatarigu uu farogelin ku sameeyay maamulka dalkaas.

Bishii July ee sanadkan ayaa doorasho ka dhacday dalka Zimbabwe waxaa si dirqi ah ugu guuleystey Madaxweynaha 75jirka ah ee haatan hogaanka haya Mnangagwa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]